Tababbarka Zúme
Tababbarka Zúme waa mid si toos ah loogu qaato shabakadda internet-ka waana mid nolosha wax lagaga baranayo oo loogu talo galay dad koox yar ah oo ah rumaystayaasha Ciise Masiix si ay uga bartaan sidii ay u adkeeyaan Amarkiisii Weynaa una sameeyaan xer taranta.
Zúme wuxuu ka kooban yahay 10 kulan, oo kiiba yahay 2 saacadood:
Muuqaal iyo Maqal kooxdaadaka caawinaya in ay fahanto xeerarka aasaasiga u ah sida xerta loo badiyo.
Wada-tashiyo kooxda dhexdeeda ah si ay kooxdaada uga caawiyso in ay ka hadlaan wixii la falanqeeyay.
Layliyo ama tijaabooyin sahlan oo kooxdaada ka caawinaya sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen wixii ay barteen.
Kooxda oo culays la saarayo si ay uga caawiso in ay koraan oo ay wax ka bartaan inta kulannadu socdaan.