Tababbarka Zúme
10 Kulan, 2 saac midkiiba, ee kooxaha 3-12
Waxaad arki doontaa sida Ilaah uu dadka iska caadiga ah ugu adeegsado inay sameeyaan wax sahlan si uu wax saamayn weyn u sameeyo.
Soosaar nuxurka in xer la noqdo, sameeya xer kale, iyo waxa ay kaniisadu tahay.
In xeroow la noqdaa waxay ka macne tahay Ilaah ayaan wax ka maqalnaa oo Ilaah ayaan addeecnaa.
Waa hab barashada Kitaabka ah oo kaa caawinaya fahanka, addeecista, iyo wadaagista Ereyga Ilaah.
Hab ay laba ama saddex qof oo wada rag ah ama wada dumar ah toddobaadkii u wada kulmaan iyagoo isku dhiirri gelinaya hawlaha sida saxda u socda iyo meelaha u baahan in la saxo.
Waxaad soo saari doontaan afar qaaboo waaweyn oo uu Ilaah u siiyo maalin kasta raacayaasha u siiyo ekaanta Ciise.
Eeg sida ay u fududdahay in saacad duco lagu qaato.
Hab loo qaabeeyay inuu kaa caawiyo inaad masuul ka ahaatid xidhiidhadaada.
Baro sida dhaqaalaha Ilaah uu uga duwan yahay ka dunida. Ilaah in kasii badan ayuu ku maal geliyaa kuwa aamminka ku ah wixii horay loo siiyey.
Baro hab loo wadaago Warka Wanaagsan ee Ilaah bilowgii aadanaha illaa iyo dhammaadka facan.
Ciise Wuxuu yidhi -- “Taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuska…” Barta sidii aad tan u dhaqan gelin lahaydeen.
Baro sidii aad markhaatifurkaaga ula wadaagi lahayd saddex daqiiqo adigoo la wadaagaya sidii Ciise u saameeyay noloshaada.
Baro qaab sahlan in aanad samayanayn hal qof raaca Ciise balse qoys dhan oo ruuxi ah oo jiilka soo socda u tarma.
Baro waxa wada socodka boolobooladu uga dhigan yahay xer-samaynta.
Biloow inaad aragtid halka aanay Boqortooyada Ilaah ka jirin. Aalaaba meelahani waa halka Ilaah doonayo in aadka looga shaqeeyo.
Waa hab sahlan oo aan ugu dabbaal degayno isku xidhka gaarka ah iyo xidhiidh socda ee aan Ciise la leenahay. baro hab sahlan oo loo dabbaal dego.
Waa hab fudud oo lagu addeecayo amarka Ilaah ee ah in kuwa kale loo duceeyo. Waana — in dadka Ilaah loo baryo marka la soconayo!
Baro kan uu noqonayo qofka nabadeed iyo waxa aad ku garan kartid marka aad mid heshid.
Dhaqa gelin qaab xusuusineed sahlan oo ku xusuusiya sidii aad kuwa kale ugu ducayn lahayd.
Waa muhiim waxa ay xertu taqaan — waxaase ka sii muhiimsan waxa ay ku sameeyaan waxa ay xertu taqaan.
Kooxda 3/3 waa hab ay raacayaasha Ciise u kulmaan, u wada ducastaan, u wada bartaan, u koraan, isu weheshadaa oo ay u dhaqan geliyaan adeecitaanka iyo wadaagga wixii ay barteen. Iyadoo habkan laga tix raacayo, kooxda 3/3 ma ahan uun koox yar hase ahaatee waa Kaniisad Yar.
Hoggaaminta Unuggu waa hab ah in dadka dareemaya in loogu yeedhay inay wax hoggaamiyaan ay ku horumarin karaan hoggaamintooda iyaga oo dhaqan gelinaya adeegga.
Eeg sida xer samayntu aanay u ahayn wax toos isakaga socda. Wax badintu isla mar kasta ayey dhici kartaa.
In la badiyaa waa mid wax ku ool ah in laga sii badiyo ayaase ka sii nacne badan.
Baro sida loo addeeco amarrada Ciise socod iyo nagaadiba.
Abuur oo la wadaag qorshahaaga ah sida aad saddexda bilood ee soo socda u hir gelin doontid hawlaha Zúme.
Waa qalab awood leh oo aad u adeegsan karto sidii aad si dhakhso ah ugu qiimayn lahayd awoodahaaga iyo dayacaadahaaga sida loo sameeyo xerta badata.
Baro sida badinta kaniisadaha la iskugu xidho oo iyadoo la isku xidhan yahay nolosha loogu koro qoys ruuxi ah.
Waa koox ka kooban dad wax hoggaaminaya oo bilaabaya Kooxaha 3/3. Waxaa sidoo kale raaca nidaamka 3/3 waana qaab awood leh oo lagu eegayo shaqada ruuxiga ah ee caafimaadka qabta ee degaankaaga.
Ogaanshaha jaantuska afarta boos waa hab fudud oo ay adeegsadaan hogaaminta unuggu si ay uga tusaale qaataan dadaallada markaa jira iyo waxqabadyada boqortooyo ee ku meersan.
Jaantuska jiilku waa hab kale oo fudud oo hoggaamiyeyaasha dhaqdhaqaaqa ku jira ku caawinaya inay fahmaan koritaanka agahooda ka socda.